IXTRAAMKA

 Asaalmu calaykum waraxmatullahi wa barakatu 

maalin cusub jawi cusub iyo mowduuc cusub oo ay idib wado wllshin ayaan haaji mustafe ASTURAN  

waxaan jeclaaday maanta inaan idinla wadaago mowduuca aniga iyo idinka iyo makhluuqdka dhamaan muhiim u ah waana IXTRAAMKA QADARINTA iyo XUSHMADA qofba midka uu aad ugu fahmayo ama uu u yaqaano .

1 waamaxay ixtiraamku ama qadarintu ama xushamadu 

xushamadu waa ficil aan la qaban kain ilaa qof kuso bar baray oo baratay moyee 

xushamadu waa ficil aan lagu koobin hadal oo kaliya xushamadu waa hub aad u culus oo aad ku xorayn karto kuna soo jiidan karto qalbiyo tiro beel ah 

xushamadu hab dhaqan iyo tarbiyo lainaga soo siisiyo hogeena 

xushamadu waa astan aan ku sifayn karo nafaheena dhaqankeena iyo hab fikirkeena 

xushadu waa dhismo aan dumin ilaa hadii lagugu xad gudbo xushamadu waa isu soo dhawaynta dad aan is aqoon xushamadu waa isku xidhida dad aad ukala fog 

xushamadu waa astaan laga akhristo ugu horayn wajigaga iyo hadadlkaga 

xushamadu waa hub aan ku caawin karo qof walpa oo jecel inuu agteena kasoo dhawaado 

xushamadu waa qalin aan ku tir tiri karo dad lagula soo dhaqmay xushad daro 


xushamadu xagay kasoo bilabataaa ?

xushamadu waxay kasoo bilabataa guriga iyo labada waalid 

xushamada waxaa laf dhabar u ah tarbiyada labada waalid ay ku siyaan siiba tarbiyada hooyo macaan ina siiso sababtoo ah aabo mar walpa inagama dhawa lakiin qof nolosheena bar baarinta iyo baashada ficiladeena aas aaska u ah waa hooyo macaan  

maxaa keena xushmada 

xushamda waxa keena hubsiga iyo u fiirsashada waxa aad ku handacoonayso 

maxaa sababa inaad qof walpa xushmad tusto 

ogow hadal kualykii iyo qabowgii waxay tagaan isku meel 

waxaa sababa inaad qof walpa oo aad la kulanto ama ay wax idin dhex maraan aad ficilkiisa iyo hadaladiisa aad dhanka wanagsan ka fiiriso xataa haduu dhinaca khaldan u wado 

waxaa kale oo aan meesha ka maqnayn inaad mar walpa tahay qof posive attitude ah 

waxaa sababa inaad qofna ku qiimayn hadalkiisa kowaad 

waxaa hubaal ah oo aan meesha ka maqnayn inaad qof walpa aad ula dhaqanto sida waalidka iyo wllahaa 

waxaa kale oo aan meesha ka maqnayn inaad qofka markuu hadlayo ama aad kulantaan inaad si xushmad leh u dhagaysato uguna jawaab celiso si dagan 

waa maxay xushmad daradu ?

xushmad daradu waxay xirtaa albaab ayna furi karin xaal marinta iyo raali galintu 

xushmad daradu waa kala gaynta iyo kala fogaynta dad badan oo tiro beel ah 

xushmad daradu waa sifo ay leyihiin dad aan soo qaadan tab tabar fiican oo guriga xagiisa ah 

xushamad darada waxaa lagukala dhaxla dahqamo aan tirtirmin lana dabar goyn karin 

xushamad daradu waxay sababtaa nacayb 

badanaa dadka waxa kala geyaa waa xushamad daro ee maha nacayb 

xushmad daradu waa cudur aaan daawo lahayn badanaa 

xushmad daradu waa seef af badan si tartiiba loogu xaalufiyo qalbiyo badan

xushmee oo qadri dadka si adigana laguu xushmeeyo 

ula dhaqan dadka sida aad jeceshahay in laguula dhaqmo

Comments

Popular posts from this blog

SAFARKEENA CUSUB

SAMIRKA IYO DULQAADKA